Niet blij met je aankoop? Geeft niet! Bij ons kun je binnen 30 dagen retourneren
Met een cadeaubon zit je altijd goed. De ontvanger kan de cadeaubon voor alles uit ons assortiment inwisselen.
Retourneren binnen 30 dagen
Qofkii dumar ah ee soo muuqataba waxay la raacaysay indhaha, waayo ma garan karto sida saaxiibteed Xaawo u ekaatay soddon iyo kow sano oo ay kala maqnaayeen. Waxaa maskaxdeeda dhex mushaaxayay mawjado xusuus ah oo macaan iyo kharaarba leh, oo yaraanteedii iyo xaafaddii ay ku kortay dib ugu celinayay. Sawaxanka dadka, guuxa gawaarida, iyo dabaylo ka dhacayay garoonka diyaaradaha ayaa hadba kala goynayay xusuustaas fog ee Faadumo dhex muquuranaysay.